Sunday, 7 July 2024

Gibilka hawada (atmosfiyeerka)

 Gibilka hawadu waxaa uu ka asamaysan yahay lakabyo hawooyin ah oo ku wareegsan dhulka.

Waxaa ay hawooyin kaasi kor u fidsan yihiin ilaa 1000 km.

Gibilka hawada ee dhulku waxaa uu ka kooban yahay shan lakab oo kala ah.

1=TOROSFIYAR (troposphere)

2=ISTARATOSFIYAR (stratosphere) oo uu ku jiro lakabka (ozone)

3=AYOONISFIYAR (ionsphere)

4=EKSOSFIYAR (exosphere)

5=TEERMOSFIYAR (teermosphere)

1= LAKABKA TOROBOSFIYAR.

Kani waa lakabka hawada ee ugu dhow dhulka.

Waa meesha ay ka dhacaan xaaladaha isbedalka maalin laha ah ee cimilo-gooreedka.

Waa meesha ugu horaysa ee qaadata wasakhawga hawada sare ku dhaca.

Qiiqa iyo walxo habeas ka kooban ayaa dhulka ka qarin kara iftiinka qorraxda.

2=lakabka istaratosfiyar.

Lakabkani waa lakab ka sareeya torobosfiyar ka waana mid aad u mu,hiim ah.

Sababtoo ah waxaa hawadan ka mid ah qaybta osoon (ozone).

Hawada Osoon waxay nuugtaa kaaha fallaadhaha halista ah  ee altarafoylet.

3=LAKABKA AYOONISFIYAR.

Ayoonisfiyar waxaa ay ka saraysaa istaratosfiyarka.

Waa lakab qabaw oo qalalan,kaas oo gubdiya Hirarka korontada.


4=LAKABKA TEERMOSFIYAR.

Teermosfiyar waxaa uu ka meel ka sarraysa mososfiyarka,waxaa aaney fidaa ilaa 600 km. 

Lakabkani heer kulkiisu waa uu kacaa,oo waxaa uu gaadhi karaa 1,727°C.

5=LAKABKA EKSOSFIYAR.

Eksosfiyarku waxaa uu ka bilaamaa xagga sare

ee termosfiyarka,waxaa aaney socotaa ilaa ay ku darsato hawada sare qiyaastii meel ka saraysa dhulka 800-1280 km mana laha bar cayiman oo uu ku dhamaado.



Saturday, 6 July 2024

Waa maxay luuqad?

 Luuqadu waa afka laysku fahmo iyada oo ay isku fahmaan bulshooyin,kooxo iyo dhamaan noolayaashu.

Luuqada la,aan teed laysma afgarteen waana nimco aad u balaadhan oo alle swt inoogu deeqay.

Markaa Dalwaliba wax yaalaha uu ku hormaray waxaa ka mida iyagoo af kooda hooyo ilaashaday oo hormariyey.

Markaa inaga waxaa inalooga baahan yahay in aynu ilaashano afkeena siiba suugaanta.

Afka ama luuqadaha markay baaba'ayaan waxaa lagu gartaa xagga suugaanta iyo ciyaar dhaqameed ka ayaa baaba'a.  


  Faa’iidada Hurdada iyo Sababta Aad Ugu Baahan Tahay Hurdadu waa qayb aad muhiim u ah nolosha bini’aadamka. Jidhka iyo maskaxdu waxay u baa...