Gibilka hawadu waxaa uu ka asamaysan yahay lakabyo hawooyin ah oo ku wareegsan dhulka.
Waxaa ay hawooyin kaasi kor u fidsan yihiin ilaa 1000 km.
Gibilka hawada ee dhulku waxaa uu ka kooban yahay shan lakab oo kala ah.
1=TOROSFIYAR (troposphere)
2=ISTARATOSFIYAR (stratosphere) oo uu ku jiro lakabka (ozone)
3=AYOONISFIYAR (ionsphere)
4=EKSOSFIYAR (exosphere)
5=TEERMOSFIYAR (teermosphere)
1= LAKABKA TOROBOSFIYAR.
Kani waa lakabka hawada ee ugu dhow dhulka.
Waa meesha ay ka dhacaan xaaladaha isbedalka maalin laha ah ee cimilo-gooreedka.
Waa meesha ugu horaysa ee qaadata wasakhawga hawada sare ku dhaca.
Qiiqa iyo walxo habeas ka kooban ayaa dhulka ka qarin kara iftiinka qorraxda.
2=lakabka istaratosfiyar.
Lakabkani waa lakab ka sareeya torobosfiyar ka waana mid aad u mu,hiim ah.
Sababtoo ah waxaa hawadan ka mid ah qaybta osoon (ozone).
Hawada Osoon waxay nuugtaa kaaha fallaadhaha halista ah ee altarafoylet.
3=LAKABKA AYOONISFIYAR.
Ayoonisfiyar waxaa ay ka saraysaa istaratosfiyarka.
Waa lakab qabaw oo qalalan,kaas oo gubdiya Hirarka korontada.
4=LAKABKA TEERMOSFIYAR.
Teermosfiyar waxaa uu ka meel ka sarraysa mososfiyarka,waxaa aaney fidaa ilaa 600 km.
Lakabkani heer kulkiisu waa uu kacaa,oo waxaa uu gaadhi karaa 1,727°C.
5=LAKABKA EKSOSFIYAR.
Eksosfiyarku waxaa uu ka bilaamaa xagga sare
ee termosfiyarka,waxaa aaney socotaa ilaa ay ku darsato hawada sare qiyaastii meel ka saraysa dhulka 800-1280 km mana laha bar cayiman oo uu ku dhamaado.
No comments:
Post a Comment